Farshaxan Soomaali

Kani waa maqaal ku saabsan farshaxanka Soomaalida. Qoraalo kale fiiri farshaxan.

Farshaxanka Soomaalida (Af Ingiriis : Somali Art; Af Carabi : ar‎) waa farshaxanka dhaqan ee dadka Soomaalida ah; taasi ooy ka mid tahay sawirgacmeedka, shaxda, suugaanta, fanka, farshaxanta, habaynta iyo soo bandhiga heesaha Soomaalida, ruwaayadaha, majaajilooyinka u dhaqanka ah dadka Soomaalida ah meelkasta ooy joogaan, gaar ahaan inta ku dhaqan Bariga Afrika. Guud ahaan, dhaqanka Soomaalidu waa haybada iyo sharafta u gaarka ah bulsho weynta Soomaalida meel kastooy caalamka kaga dhaqan yihiin. Sidoo kale, dadka ku hadla Af Soomaaliga waxay leeyihiin fan iyo suugaan aad u heersareeya, qani ku ah aqoon iyo xirfad qoto dheer. In kastoo fanka maanta jira yahay mid aad u da' yar wuxuu leeyahay waaxyo iyo noocyo aad u badan. Kuwaasi waxaa ka mid ah heesaha qaaciga, qaraamiga, heesaha jaaska, ruwaayadaha, majaajiloyinka, filimaanta, bandhigyada fanka, qoob-ka-ciyaarka iyo guud ahaan madadaalada ku baxda luuqada Soomaaliga.

Dhaqanka Soomaalidu waa mid soo jireen ahaa kaasi oo jiilal badan iska dhaxleen. Sida taariikhyahanadu sheegeen wuxuu asal ahaan ka sameeysmay nolosha maalinle iyo xidhiidhka bulshada Soomaalidu la sameeysay bulshooyinka jaarka ah (deriska) iyo cilaaqaadka ganacsi iyo waxbarasho ee deegaanada fogfog. Sidoo kale dhaqanka Soomaalidu wuxuu in badan ku salaysan yahay diinta Islaamka oo dadka Soomaalida intooda u badan aaminsan yihiin.


© MMXXIII Rich X Search. We shall prevail. All rights reserved. Rich X Search